Isticmaalka shaashadda Telefoonka ama TV-ga ‘waxay waxyeelleyn kartaa ilmaha’

0
753

Isticmaalka shaashadda Telefoonka ama TV-ga ‘waxay waxyeelleyn kartaa ilmaha’

In carruurta loo oggolaado iney wakhti dheer daawadaan shaashadaha Telefoonka ama telefishinka waxay dib u dhigi kartaa kobaca aqoontooda ku aaddan luqadda iyo xirfadaha, sida lagu qeexay daraaasad cusub oo la soo saaray.

Cilmi baaristan oo kasoo baxday dalka Canada isla markaana lagu sameeyay carruur ay tiradoodu gaareyso ku dhawaad 2,500 oo 2 sano jir ah, ayaa noqotay caddeyntii ugu dambeysay ee loo soo bandhigay doodda ku saabsan sida ay ilmaha dhibaato uga soo gaari karto isticmaalka shaashadaha.

Khubarada ku sugan dalalka Canada iyo Mareykanka ayaa sheegay in carruurta aan loo fasixin isticmaalka shaashadaha ilaa inta ay ka gaarayaan 18 bilood oo u dhiganta 1 sano iyo bar.

Hase ahaatee waddanka UK ma jiro wax wakhti ah oo loo xaddiday.

Mac-hadka caafimaadka carruurta ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ilaa iyo hada aan caddeymo ku filan loo heynin waxyeello toos ah oo carruurta ay ka dhaxlayaan shaashadda.

Maxaa lagu ogaaday daraasadda?

Hooyooyinka ayaa kormeer lagu sameeyay (intii u dhaxeysay sannadihii 2011 ilaa 2016) iyagoo wax laga weydiinayay isticmaalka shaashadaha telefoonka iyo Tv-ga ee carruurtooda.

Wali ma jirto caddeyn ku filan in shaashaduhu ay daahiyaan kobaca garaadka carruurtaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionWali ma jirto caddeyn ku filan in shaashaduhu ay daahiyaan kobaca garaadka carruurta

Waxay ka jawaabeen su’aalo ku saabsan heerka ay carrurtooda ka gaareen aqoonta xirfadaha markii ay da’dooda ahayd 2 sano, 3 sano iyo 5 sano.

Daawashada shaashadaha waxaa ku jira in ilmaha ay fiirsadaan barnaamijyada Telefishinada, filimada ama muuqaallada, ciyaaraha faraha gacanta laga dheelo iyo isticmaalka kumbuyuutarrada, tablet-yada, telefoonnada ama qalabka kale ee shaashadaha leh.

Carruurta qaar, marka ay da’dooda 2 sano ahayd waxay isbuuciiba shaashadaha ka isticmaalayeen 17 saacadood.

Tiradan ayaa gaartay 25 saacadood isbuucii marka ay carruurtaas gaareen 3 sano, balse waxay hoos ugu soo dhacday 11 saacadood isbuucii marka ay 5 sano gaareen, xilligaasoo ah marka ay iskuulka billaabeen.

Natiijada laga soo saaray daraasaddan ayaa lagu daabacay wargeys lagu magacaabo JAMA Paediatrics.

Waxay muujineysaa sida ay carruurta uga gaabinayaan inuu kobco garaadkooda, marka ay wakhti badan ku bixiyaan shaashadda.

Laakiin wali caddeyntan kuma filna in shaashadda oo lagu bixiyo wakhti ay mas’uul ka tahay daahitaanka kobaca garaadka carruurta, maadaama ay jiraan waxyaabo kale oo arrintaas sababi kara.

Maxay u maleynayaan cilmi baareyaashu?

Marka ay ilmaha ku mashquulsan yihiin shaashadda, waxaa laga yaabaa iney seegaan fursado muhiim ah oo ay wax uga bartaan xirfado wax ku ool ah.

Waxaa suurta gal ah iney wakhti u waayaan ficillo kala duwan oo ay carruurta sameeyaan ama bartaan xilliga ay yar yihiin, sida iney ordaan, iney boodaan iyo ficillo kale oo noocaas ah.

Haseyeeshee wali waxaa suurta gal ah iney goor dambe la qabsadaan dhaqdhaqaaqyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here