Sudan oo siidaynaysa maxaabiistii la xir xiray intii ay dibadbaxyadu socdeen

0
575

Sudan oo siidaynaysa maxaabiistii la xir xiray intii ay dibadbaxyadu socdeen

Masuuliyiinta dalka Sudan ayaa amar ku bixiyey in xabsiga laga sii daayo dhammaan maxaabiistii la xir xiray intii ay socdeen dibadbaxyo dawladda looga soo horjeeday.

Amarka lagu siidaynayo maxaabiista ayaa waxaa bixiyey madaxa Nabadsugidda iyo ammaanka dalkaas, Salah Ghosh, sida war qoraal ah uu ku sheegay wasiirka warfaafinta. Mana jirto wax siidaynta dadkaas lagu sababeeyey.

In kabadan 1,000 qof ayaa lagusoo warramayaa in loo xirxiray dibadbaxyadii daalkaas ka dhacay ee bilowday bishii December.

Madaxweyne Omar al-Bashir ayaa qalalaasaha ku eedeeyey in ay ka dambeeyey dad shisheeye ah iyo sidoo kale kooxda fallaagada ah ee ka dagaallanta gobolka Darfur.

Dhanka kale dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in booliiska shaqaaqada ka hortaga ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Khartoum ay adeegsadeen gaaska dadka ilmaysiiya si ay u kala eryaan tobonaan qof oo maalintii talaadada ahayd dibadbaxyo ka dhigayey degmada Burri.

Dibadbaxyo dawladda looga soo horjeedo ayaa sidoo kale ka dhacay magaalada caasimadda u dhow ee Omdurman iyo magaalada Badda Cas kutaal ee Port Sudan.

Dibadbaxyada ayaa bilowday kaddib markii hoos loo dhigay gunnooyinkii lagu kabi jiray rootiga iyo shidaalka, hase ahaatee markii dambe waxay isu baddaleen caro looga soo horjeestay xukunka 30 jirsaday ee madaxweynaha dalkaas.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegaya in dad ka badan 40 qof ay ku dhinteen iskudhacyo dhex maray ciidamada ammaanka iyo shacabkii dibadbaxa dhigayey.

Tifaftiraha BBC Afrika, Will Ross ayaa sheegaya in aanay u badnayn in tallaabadani ay raalli galiso dibadbaxayaasha.

Carada dibadbaxayaasha dawladda kasoo horjeeda ayaa sii kordhaysa mana jirto caalamad muujinaysa in dibadbaxyadaas ay joogsan karaan ayuu intaas kudaray.

Dibadbaxyo dalkaas oo idil ka dhacay ayaa Madaxweyne Al Bashir loogu baaqay in uu iscasiloLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDibadbaxyo dalkaas oo idil ka dhacay ayaa Madaxweyne Al Bashir loogu baaqay in uu iscasilo

Dadka la xir xiray ayaa waxaa kamid ahaa hoggaamiyeyaal mucaarad ah, dadka arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa iyo saxafiyiin.

Dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegaya in tallabadani ay timid kadib markii Salah Ghosh uu booqday xabsi kuyaal magaalada Khartoum.

Madaxweyne Bashir ayaa ka garaabay dhibaatooyinka dalkiisa kajira, hase ahaatee waxa uu sheegay in saxaafaddu ay buunbuunisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here