Muwaadiniin Somaliyed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0
644

Muwaadiniin Somaliyed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Koox burcad Koonfur Afikan ah ayaa xalay Magaalada Restunburg ee dilkaasi waxa ay weerar isugu jiray dil iyo dhaawac ugu geysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ganacsiga ku leh dalkaasi.

Kooxda Burcada ah ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxa ay ugu tageen goob ganacsi oo ay ku lahaayeen dalka Koonfur Afrika, islamarkaana u geystay weerar isugu jiray Dil iyo dhaawac.

Gudoomiyihii hore ee Restunburg Abdirahman Shekh Ukun oo xiliga weerar uu ka dhacayay ku sugnaa goobta ayaa xaqiijiyay inay  weerarkaasi ku geeriyoodeen Muwaadintiinta lagu kala magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullaahi Maxamuud,halka midka la dhaawacay lagu magacaabo Cali Cusmaan Malaaq.

Bishan Janaayo 7 ayaa ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah lagu dilay magaalada Capte Town, waxaana isla goobtii looga dhacay lacag gaareeysay 500,000 Rand (US $36,000).

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dilaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waana dilkii labaad ee laba todobaad gudahood dalka Koonfur Afrika loogu geysto Ganacsatada Soomaaliyeed .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here