Muxaadarada Sheekh Kenyaawi oo la shaaciyay goobta iyo xilliga la qabanayo

0
749

Muxaadarada Sheekh Kenyaawi oo la shaaciyay goobta iyo xilliga la qabanayo

Muxaadaro uu Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi qorsheeyay inuu ku qabto magaalada Muqdisho balse shalay uu dib u dhac ku yimid ayaa lagu qaban doonaa garoonka Stadium Benadir ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Kenyaawi ayaa lagu wadaa in Jimcaha soo socota oo ku beegan 18ka bisha January uu muxaadarada ku qabto garoonka kubbada cagta Koonis Stadium ee degmada Cabdicasiis magaalada Muqdisho,kadib markii loo gartay in dadka imanaya muxaadarada ay ku filnaan karto.
Isbuurasho ka dhacday gelinkii dambe ee shalay hool ku yaal hotel Sahal ee magaalada Muqdisho ayaa sababta in rasaas ay ku dhacdo gabar magaceeda lagu sheegay Malyuun oo ka mid ahayd dadkii isugu soo baxay ka qeybgalka muxaadarada.
Sheekh Kenyawi ayaa ku booqday isbitaalka lagu daweynayo gabadhan iyadoo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ay kafaalo qaaday dhaqaalaha ku baxaya daweynta gabadhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here