Man United oo guul ku gaartay goolal mudo sanado ah aysan dhalin

0
635

Man United oo guul ku gaartay goolal mudo sanado ah aysan dhalin

Kooxda kubada Cagta ee Manchester United ee dalka Ingariiska ayaa taagerayaasha kooxdaas dib u soo xasuusiyay waqtigii uu talada hayay macalinkii ugu waqtiga dheeraa ee Sir Alex Ferguson.

United oo sanadkaan la dhibtooneysa guuldaro isdaba joog ah iyo natiijo aaan wanaagsaneyn ayaa waxay 5-1 ku sagootiyeen kooxda Cardiff City.

Guushaan ayaa ka dhigan mid isugu jirta fariin karbaash ah oo cayaartoyda u dirayaan macalinkii maalmo ka hor shaqada laga ceyriyay ee Jose Mourinho iyo tababaraha sida kumeel gaarka ah shaqada ula wareegay ee Ole Gunnar Solskjaer.

Kooxda Manchester ayaa dhibco badan waxay ka danbeysa kooxaha ku tartamaya hogaanka horyaalka ee kala ah Manchester City iyo Liverpool oo todobaadkii hore guuldaro ku soo baday gurigeeda.

Tirada goolashan ay kooxda dhalisay ayaa waxaa u danbeysay kulan ku idlaayay 5-5 oo ay la yeelatay kooxda West Brom ay kooxda ku qaaday horyaalka ingariiska sanadkii 2012-dii waxaana waqtigaas hayay talada kooxda macalinkii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here