Waa Sidee Xaalada Magalada Baydhabo iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Saaka

0
723

Waa Sidee Xaalada Magalada Baydhabo iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Saaka

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa banaanbaxyo rabshado watay ay ka dhacayeen Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,kadib xarigii Muqtaar Roobow.

Rabshadaha ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxaana taasi walaac ka muujiyay Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed kasoo jeeda iyo Beesha Caalamka.AKHRISO

In kastoo weli aysan caga badan ku taagneyn ayaa hadana waxaa saakay lagu soo waramayaa in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana wax rabshado ah aysan ka jirin.

Shalay waxaa Baydhabo gudaha u galay oo lagu arkay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo wata Gaadiidka dagaalka,kuwaas oo Xaafadaha qaar ee Magalada Baydhabo isku fidiyay.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa badi waxa ay kasoo horjeedaan xariga Dowladda Federaalka Soomaaliya u geysatay Sheekh Muqtaar Roobow Cali(Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here