Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo xalay dilay xaaskiisa oo Xaamilo aheyd

0
673

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo xalay dilay xaaskiisa oo Xaamilo aheyd

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar uu xalay ku diley xaaskiisa guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Dilka haweeneydan oo la sheegay in ay xaamilo ahayd lana oran jirey Jamiilo Sh.Cali Ibraahim oo 32 jir ahayd ayaa ka  dambeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo seygeedii oo lagu sheegay magaciisa Cali Dheere.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in markii ay murmeen uu bastoolad uu lahaa dhowr xabadood ku dhuftay. Sarkaalka dilka geystey ayaa  la sheegay in ay ciidamadu  soo qabteen xabsigana la dhigey.

Dilkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay Xafiiska Qaramada Midoobay u  qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha(UNODC) ay soo saartay warbixin sheegeysa  in maalin walba caalamka lagu dilo illaa 137 haween ah kuwaasoo dilkoodana ay ka dambeeyaan  xubin ka mid ah qoyskooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here