8 Aktar Kuwaaso Sanadkan 2019 Aan Wax Filim ah Soo Saari doonin+SABABTA

0
1393

8 Aktar Kuwaaso Sanadkan 2019 Aan Wax Filim ah Soo Saari doonin+SABABTA

anadka 2019 goor hore ayuu bilowday iyadoo daawadayaasha ay rajeenaya in sanadkan uu ka fiicnaan doono sanadkii hore kaaso la daawaday aflaamo waa weyn oo classic waana sanad laga awood-badiyay sadexda khans iyadoo aktaro qaar ay sanadkan doonayaan inay saameyn bollywoodka ku lahaadaana halka qaar kale aan shaashada tiyaatarada aan lagu arki doonin

haddaba aan eegno 8 aktar kuwaaso sanadkan 2019 aan lagu arki doonin tiyaaatarada

1. amir khan

ka dib bur-burka kasoo gaaray filimka thug of hindustani amir khan ayaa wax filim ah samayn doonin isagoo waqtigiisa siiyay samaynta musasalka lagu magacaabo mahabharat lagu qarash-garayn doono lacagihii ugu badnaa ee abid mashruuc filim la geliyo waxaana tv’yada iyo website-yada laga daawan doono 2020

2. shah rukh khan

sanadkii 2018 shah rukh khan sanad fiica uma uusan ahayn maadaama uu ka fashilmay filimkiisa zero inuu Srk jabkaas kasoo kabsado waxa ay ku qaadanaysaa waqti fara badan iyadoo sandkan 2019 uu mar hore bilowday shah rukh khan wax mashruuc uma diyaarsanan taaso la micno ah inan sanadkan tiyaatarada lagu arki doonin

3. rani mukerji

rani mukerji ayaa sanadkii hore dib ugu soo laabatay jilista aflaamta iyadoo sameesay filimka sida weyn loogu amaanay ee hichki hadda rani mukerji ma jirto mashruuc sanadkan ay duubayso waxaana la qorsheenaya in sanadka 2020 inay ka shaqo bilowdo filimka mardaani 2

4. sara ali khan

sara ali khan sanadkii hore 2018 waxa uu ahaa sanadkeeda maadaama sanadkeeda ugu horeeyay ay sameesay labo filim oo guuleystayn kuwaaso ee kala ah kadernath iyo simmba sara sanadkan 2019 wax filim ah uma diyaarsana iyadoo sugi doonta duubista filimka ranbhoomi sanadka 2020 kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka varun dhawan

5. irfan khan

irfan khan ayaa fasax dheer waxa uu ka qaatay jilista aflaamta maadaama uu ku dhacay cudur isagoo hadda lagu daaweenaayo dalka ingiriiska

6. kajol

atariishada ka mid atariishooyinka ugu caansan fanka bollywoodka ayaa waxaa la xaqiijiyay in sanadkan 2019 wax filim ah usoo bixi doonin iyadoo hadda qaybka ah duubista filimka tanaaji kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka ajay devgan waxaana la daawan doona sanadka 2020

7. aishwarya rai

quruxleyda bollywoodka aishwarya rai ayaa waxa ay saxiixatay labo filim kuwaaso kala ah jasmine iyo gulap juman laakiin nasiib xumo aflaamtaas lama daawan doono sanadkan

8. huma qureshi

atariishada huma qurshi wax filim ah maysan saxiixanin taaso la micno ah inan sanadkan tiyaatarada lagu arki doonin.

 

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here