5 dhibaato oo Dunida ka dhaxashay Dagaalka Ruushka ee Ukraine.

0
715

5 dhibaato oo Dunida ka dhaxashay Dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Ruushka ayaa Duullaan ku qaaday Ukraine 24-Febaraay-2022, Dunida inteeda kale waxa ay ka dhaxashay saameyn dhaqaale sida Shidaalka oo qiimaha lagu iibiyo kordhay, Maciishadda iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsiga.

Khubarada Dhaqaalaha ayaa ka digay dhibaatooyin horleh oo ka dhalan karta haddii uu sii daba-dheeraado dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo saameyntiisa gaaray guud ahaan Caalamka.

5 siyaabood ayaa sababi karta in Gaajo (Cunno la’aan) Dunida ka dhacdo.

1-Qiimaha Shidaalka oo kordhay guud ahaan Caalamka.

Shidaalka qiima-kororka ku yimid ayaa saameyn taban ku yeeshay Dalal Soomaaliya ay kamid tahay, xaaladaha Bani aadamnimo ee ka jira Dalkaan dhaca Geeska Afrika oo ay horay u barakaceen 3.8 Milyan oo ruux waxaa ku adkaatay in Shidaal loo helo si biyo loo siiyo qoysaska abaartu saameynta taban ku reebtay.

2-Kor u kaca Qiimaha Raashinka la soo dejiyo.

Ruushka iyo Ukraine ayaa dhimay qiimaha Qamadiga (Sarreen) ay u dhoofin jireen waddamo u badan Bariga Dhexe iyo Afrika, taasi waxa ay dhalisay in intii yareed ee suuqyada baaqiga ku ahayd uu qiima-sare gaaro.

3-Kor u kaca Qiimaha Bacriminta Beeraha.

Bacriminta waxa ay caawisaa Beeraha iyo waxsoosaarka, Ruushka ayaa hormuud u ah waddamada caalamka ee iib geeya walxaha lagu bacrimiyo Dalagga, dagaalka kahor, sanadkii hore waxaa qiima-sare lagu iibsanayay bacriminta oo ka dhigtay in 30% waxsoosaarka lagu kala iibsado.

4-Dalalka Qaar oo dhaqaalahoodu liita.

Ilaha ugu dhaqdhaqaaqa badan waa Xawaaladaha lacagaha loosoo dhigo Dadka kunool waddamada dhaqaale ahaanta hooseeya si ay caawinaad uga helaan ehelkooda dibadda ku maqan, Faafitaanka Covid-19 ayaa shaqo la’aan ka dhigtay Dad badan balse dagaalka waa uu uga sii daray.

5-Cunno yaraan Dunida ka taagan.

Keyd la’aanta ayaa sababtay cunno yarida taagan, waddamo ay kamid yihiin Ciraaq, Yemen iyo Lubnaan ayaa toos u isticmaala Qamadiga (Sarreenka) Ruushka iyo Ukraine balse dagaalka iyo cunaqabateynta ayaa joojiyay.

Lubnaan waxaa 2020 ka gudbay mid kamid ah Keydadkeeda, Xaaladdaas ayaa dalka gelisay dhibaato hoos u dhac dhanka dhaqaalaha ah iyo cunnada oo yaraatay, Dalkaan ayaa la tacaalayay kasoo kabashada dhibaatada Covid-19.

Dhaqaale yahannada ayaa ku dooday in waddamada ku tiirsan badeecadaha dibadda laga keeno ay wajahayaan xaalado adag iyada oo aan xal loo helin dhibaatooyinka taagan sida ay hadalka u dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here