4 ruux oo Mindi lagu dilay & Ninkii weerarkaas geystay oo la toogtay.

0
327

4 ruux oo Mindi lagu dilay & Ninkii weerarkaas geystay oo la toogtay.

Nin Mindi watay ayaa beegsaday Dad ku sugan Magaalada Bi’ir Sabca, 3 ruux waxa uu ku dilay Mindi halka ruuxa afaraad uu dul marsiiyay Gaari sida uu sheegay Booliiska Israel oo faah-faahin hordhac ah ka bixiyay weerarkaas.

Dadka uu weeraray Ninkaan waxa ay joogeen Goob laga dukaameysto, 3 ruux isla goobta ayuu mindida ku naf dhaafiyay halka qofka 4aad uu dul marsiiyay Gaari, muddo kooban kaddib Ninkii falkaas geystay waxaa toogtay Nin Bas waday.

Warbaahinta Gudaha ayaa sheegtay in qofka weerarka fuliyay uu ahaa Carabta ku dhex nool Israel balse ma bixin faah-faahin dheeraad ah sida Magaciisa, Da’diisa iyo macluumaadkiisa oo dhammeystiran.

Waa weerarkii saddexaad oo Mindi loo adeegsado oo todobaad gudihiis ka dhacda Deegaannada Israel maamusho, Goobaha Caafimaadka waxaa la dhigay Dad laga daweynayo waxyeello kasoo gaartay weeraradaas.

Ninka weerarka ka geystay Magaalada Bi’ir Sabca waxa ay wararku sheegayaan in uu kasoo jeedo Tuulada Xuura oo 19 KM dhinaca Bari ay u jirto Magaaladaas uu Dadka ku dilay, warar soo baxaya ayaaa intaas ku daraya in Ninkaan mar ay xireen Booliiska Israel siina daayeen.

Afhayeen u hadlay Xamaas oo lagu magacaabo Hazem Qassem ayaa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen isla markaana uu jawaab u ahaa dhibaatooyinka Israel ay u geysaneyso Dadka Reer Falastiin sida uu u sheegay Warbaahin ku hadasha Afka Xamaas.

“Howlgalkaan waxa uu jawaab u yahay siyaasadda Barakacinta Qowmadiyadeed ee ay Israel ku heyso Dadkeenna Falastiin gaar ahaan kuwa ku sugan Dhulka la heysto” ayuu yiri Hazem Qassem oo ah Afhayeenka u hadlay Xamaas.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa Ciidamada Booliiska iyo kuwa sirdoonka faray in ay wax ka qabtaan weerarada Mindida iyo Gawaarida loo adeegsado oo welwel ku abaaray Dadka sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here