272 ruux oo tahriibayaal ah oo lagu badbaadiyay Biyaha u dhaxeeya Liibiya & Tuniisiya.

0
152

272 ruux oo tahriibayaal ah oo lagu badbaadiyay Biyaha u dhaxeeya Liibiya & Tuniisiya.

272 ruux oo tahriibayaal ah ayaa lagu badbaadiyay biyaha u dhaxeeya Waddamada Liibiya & Tuniisiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si gaar ah arrintaan ula socday.

Markabka lagu magacaabo Ocean Viking ayaa ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo tahriibayaashaan oo naftooda halis wayn wajahaysay xiligii uu socday howlgalka ama gurmadka ay dalbadeen tahriibayaashaan.

Ujeedka safarkooda ayaa ahaa in ay tagaan xeebaha Dalka Talyaaniga si ay uga sii gudbaan Dalalka kale ee dhaca Qaaradda Yurub oo ay aaminsan yihiin in ay ku helaan nolol uga wanaagsan midda dalalkooda waa sida ay ku doodeen.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay tahriibayaasha sii kordhaya ee ka safra qaaradda Afrika gaar ahaan Waqooyiga iyo Galbeedka kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku dhimanayay xeebaha Talyaaniga & biyaha Caalamiga ah.

Weli si dhab ah looma shaacin dhalashada ama jinsiyadda dalalka ay kasoo kala jeedaan dadkaan tahriibayaasha waxaana qayb ka ahaa 32 qof oo aan qaangaarin isla markaana aanay la socon ehelkooda sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan saraakiishii howlgalka badbaadinta ka qaybgashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here