DEG DEG : Kiiskii 3aad ee cudurka Coronavirus (COVID-19) oo laga helay Soomaaliya
Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Somalia Fowsiya Abiikar Nuur ayaa goor dhow shaacisay in Somalia laga helay kiiskii 3aad ee la xiriira cudurka Coronavirus oo caalamka ku haya dhibaatada xooggan.
Fowsiya Abiikar Nuur oo goor dhow ka hadleysay barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxa warbaahinta DF ayaa sheegtay in qof ka tirsan shaqaalaha ajnabiga ah ee ku sugan Xalane laga helay cudurka.
Wasiiradu faahfaahin kama bixin dalka uu u dhashay qofkan ajnabiga ah balse waxay sheegtay inuu maalmo ka hor dalka ku soo laabtay, markii laga baaray cudurkana laga helay, ka dibna lana karantiilay.
“Dadka leh Wasiirada been bay sheegeysaa cudurka kama Jiro Somalia, ama siyaasadeynaya waxaan u sheegayaa in Wasaarada Caafimaadka aysan heysanin qalabka lagu baaro cudurka, waxaana qofka sambalada aan ka qaadno lagu soo baaraa sheybaar ku yaalla Nairobi oo aqoonsi buuxa ka heysta heyadda Caafimaadka adduunka ee WHO” ayey tiri Wasiirada.
Fowsiya Abiikar Nuur ayaa intaas ku dartay in wasaarada caafimaadka DF aysan laheyn awood balaaran maadaama dalku uu ku jiro xaalad soo kabasho balse ay ku dedaaleyso intii karaankeed ah in laga hortago cudurkan inta uusan ku faafin dalka.