Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka?

0
35

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, sida lagu sheegay war ka soo baxay warbaahinta dowladda.

Wada hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa diiradda waxaa lagu saaray amniga geeska Afrika, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha ka ciidanka ATMIS.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh iyo Antony Blinken Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa inta uu socday waxa ay ku gorfeeyeen xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo la damacsan yahay in la xiro dhammaadka sanadkaan 2024-ka sida horay ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ka wada hadlay xiisadda geeska Afrika ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo salka ku haya heshiiskii horraanta sanadkaan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.