Ciidanka Itoobiya oo Soomaaliya isaga baxaya dhammaadka sanadka 2024

0
66

Lataliyaha Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ay Dalka ka baxayaan dhammaadka Bisha Deseembar sanadkaan 2024.

Xuseen ayaa sheegay in waqtigaas bixitaanka ciidanka Itoobiya ay ku beegan tahay muddada loo asteeyay in ciidamada howlgalka kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ay isaga baxaan Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin in ciidamada Itoobiya aanay kasii mid ahaan doonin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS balse ay guud ahaan isaga baxayaan Dalka.

Sida uu dhigayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tirsigiisu yahay 2710 (2023) marka la gaaro dhammaadka sanadkaan 2024 waxaa lasoo baddelayaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee horay looga baddelay AMISOM.

Xitaa haddii sanadka 2025 gaar ahaan Bisha Janaayo muddo kooban lagu daro ama wax laba baddelo qorshaha ATMIS kama sii mid ahaan doonnaan Ciidamada Itoobiya sida uu sheegay Lataliyaha dhanka Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dalalka kusoo haraya ciidamada Midowga Afrika waa Jamhuuriyadda Jabuuti, Kenya, Uganda & Burundi, waxaa in muddo ah socday dedaallo kala duwan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinaysay qorshaha lagu saldhigayo ka kaaftoomidda ciidamada Afrikaanka ah.

Itoobiya ayaa billowgii 2024 waxa ay qaadday tallaab ka dhan ah madaxbannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii ay shaacisay heshiis beenaad ay ku sheegtay in ay la gaartay Maamulka Somaliland.