Dowlada Turkiga Oo Qabatay Lacag Dhab Hal Milyan Oo Dolar Oo Faaliso Ah Oo Loo Waday Africa

0
190

Dowlada Turkiga Oo Qabatay Lacag Dhab Hal Milyan Oo Dolar Oo Faaliso Ah Oo Loo Waday Africa



Dowlada Turkiga Oo Qabatay Lacag Dhab Hal Milyan Oo Dolar Oo Faaliso Ah Oo Loo Waday Africa
June 10, 2023
SHARE0

Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah, waxaana sidoo kale la xiray lix qof oo ku lug lahaa howlgalkaasi, kuwaasoo mid ka mid ah u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.

Ciidamada koofiya casta ayaa dadkan ku raad-joogay, iyada oo markii dambe ay kasoo qabteen goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay ku qabteen lacagta boqob-boqolka dollar ah ee been-abuurka ah ee loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay xafiisku.

Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo agabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana aya la ogeysiiyay qabashada xubnahan.

Falkan been abuurka ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda dalka Turkiga, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here