DFS oo sheegtay in ay soo afjartay weerarkii ‘AS’ ay ku qaadday Hoteel ku yaalla Muqdisho.

0
213

DFS oo sheegtay in ay soo afjartay weerarkii ‘AS’ ay ku qaadday Hoteel ku yaalla Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adaha ammaanka ay soo afjareen weerar ‘AS’ ay ku qaadday Hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir kaas oo socday in ka badan 10 saac.

Howlgalkaan waxa ay Dowladdu sheegtay in ay kusoo badbaadisay Dad badan oo ku go’doomay dhismaha Hoteelka kuwaas oo waqti ku qaadanayay goobta maadaama shalay ay ka nasanayeen goobaha Waxbarashada iyo shaqooyinka.

Dowladdu ma sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarkaas, waxaase lagu wadaa in saraakiil katirsan Hay’adda Ammaanka in ay faah-faahin bixiyaan marka uu usoo dhammaado tira-koob ay wadaan.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, ugu yaraan weerarkaas waxaa ku geeriyootay 5 ruux halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 10 qof, ciidamada ammaanka Dowladda ayaa soo badbaadiyay tobaneeyo ruux oo goobta joogtay.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here