Booliska Canada oo xiray nin Mareykan ah oo dilay xaaskiisa oo Soomaali aheyd

0
97

Booliska Canada oo xiray nin Mareykan ah oo dilay xaaskiisa oo Soomaali aheyd

Booliska magaalada Windsor ee dalka Canada ayaa dacwad dil ah kuso oogay nin kasoo jeeda gobolka maraykanka ee Michigan oo lala xiriirinayo in uu dilay xaaskiisa oo la waayey toddobaad ka hore.

Brian Aaron Marbury oo 45 jir ah ayey booliska Canada ka qabteen dhinaca canada ee kanaalka isku xira Windsor iyo magaalada Detriot ee dalka Maraykanka wax yar uun ka dib sagaalkii fiidnimo ee isniintii.

Booliska ayaa sheegay in xarigga ninkani ka dhashay natiijada baaritaan lagu sameeyay gabar Windsor degganayd- Sahra Bulle oo 36 jir ahayd taas oo aan meel lagu sheegin tan iyo 26kii Maajo.

Inkasta oo baaritaanka ku saabsan waayitaanka Sahra uu weli socdo, haddana booliska ayaa sheegay in qabashada Marbury ay u cuskadeen ”cadeymo lagu kalsoonaan karo” oo ay heleen.

”Baarayaashu waxay weli raadinayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan meesha ay ku dambeysay Sahra Buulle,” ayey saraakiisha boolisku kusii dareen.

Sida ka muuqata waraaqo baafin ah oo lagu dhejiyay darbiyada, Sahra waxay dhigaynaysay jaamacadda Windsor. Hooyada Sahra, Fartuumo Kuusow ayaa barah bulshada dadka isticmaala ka codsatay in ay la baafiyaan gabadheeda si loo helo raq iyo ruux mid uun.

Sylvia Guenther Madaxa fulinta ee barnaamijka Hiatus Haouse oo caawiya ka haweenka xadgudubyada dumar nacaybka ah ee loo geysto ayaa sheegtay in dilalka loo geysanayo haweenla ay yihiin dhibaato ku soo badanaysa bulshada.

”Waxaan ognahay in mid ka mid ah saddexdii dumar ahba ay la kulantao nooc ka mid ah xadgudubyada lammaanaha ama xad gudubyada qoyska ugu yaraan hal mar inta ay noolyihiin,” ayay tiri. “Ma ahan xaalad ka soo raynaysa inta uu wakhtigu sii socdo. Waxaan aragnaa kiisas aad u daran oo xadgudubyo ah, sida aan hadda maqalnayna waxaa jira khasaare aad u xun oo soo gaaray bulshadayada.” Ayey sii raacisay.

Hiatus House waa xarun xasaradeed oo muddo 24-saacadoo ah loogu talagalay dadka la kulma xadgudubyada qoyska ama lammaanaha dhow. Qadka taleefanka ee degdegga ah ayey ku shaqeeyaan.

 

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here