Golaha Ammaanka ee Qaramada oo war ka soo saaray xaaladda magaalada Laascaanood

0
150
WIde The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/884)

Golaha Ammaanka ee Qaramada oo war ka soo saaray xaaladda magaalada Laascaanood

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyn dib u xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, illaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.

“Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka, si xabadda loo joojiyo – wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahayna loo bilaabo,” sida lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ayaa baaq loogu diray dhinacyada ku dagaalamayaa Magaalada Laacaanood in ay heshiis ka gaaraan xaaladda magaalada iyada oo la joojinaya xabadda, sidoo kale waxaa baaq loogu diray deeq bixiyaasha in ay dardargaliyaan gurmadka Bini’aadannimo.

Magaalada laascaanood ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidanka Xoogga ee Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Bixi iyo Ciidamo garab ka helay gaarada Gobolka Sool iyo dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here