Nin ku hubeysan 4-qori oo Mareykanka ku toogtay Dad ka qaybgalayay Xaflad Qalin-jebin ah.

0
84

Nin ku hubeysan 4-qori oo Mareykanka ku toogtay Dad ka qaybgalayay Xaflad Qalin-jebin ah.

Nin ku hubeysnaa 4 qori ayaa rasaas ku furay goob ay ka socotay Xaflad ay ku qalin-jebinayeen Arday dhammeysatay Dugsiga Sare, inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen 4 kale.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa sameeyay howlgallo xooggan oo ay ku raadinayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Ninkii falkaan geystay oo ugu dambeyn u suuragashay in ay xiraan Nin da’diisa lagu sheegay 19 jir.

Sida uu xaqiijiyay Booliiska Magaalada Richmond ee Gobolka Virginia Dalka Mareykanka oo ah xalka ay toogashada ka dhacday, Ninkaan ayaa rasaas xooggan furay intii ay socotay xafladda iyada oo marka qura xaalad kale la galay.

Ciidamada ilaalada ka ahaa goobta toogashada ka dhacday ayaa sameeyay howlgal jawaab u ah falka uu sameeyay Ninka 19 sano jirka ah oo haatan su’aalo ay weydiinayaan ciidanka ku shaqada leh barista kiisaskaan.

Mareykanka waxaa caadi ka noqday toogashada ay geysanayaan Dadka hubeysan iyada oo maamulka Madaxweyne Joe Biden uu soosaaray shuruuc kala duwan oo lagu xakameynayo Hubka in la qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here