Qaar Badan Oo Kamid Ah Haweenka Afgaanistaan ​​​​Oo Ku Fakaraya Inay Isdilaan

0
183

Qaar Badan Oo Kamid Ah Haweenka Afgaanistaan ​​​​Oo Ku Fakaraya Inay Isdilaan

“Waxaan rabaa in qof uun codkayga maqlo, xanuun baa i haya, mana aha wax keligay igu kooban,” arday jaamacadeed oo Afgaanistaan ​​ka tirsan ayaa nagu yidhi, iyadoo ilmeyseysa ilmaynaya.

“Inta badan gabdhaha fasalkayga waxay lahaayeen fikrado ah inay isdilaan, dhammaanteen waxaan la ildarannahay niyad-jab iyo walaac, rajo ma lihin.”

Gabadhan da’da yar oo da’deedu ku dhowdahay labaatan sano, ayaa afar bilood ka hor isku dayday in isdisho, ka dib markii bishii December ee sannadkii hore ay dawladda Taliban ka mamnuucday gabdho arday ah inay galaan jaamacada. Hadda waxaa daweynaya dhakhtarka cilminafsiga.

Dr Amal oo ah dakhatarad ku taqasustay ayaa noo sheegtay in ay heshay 170 wicitaan oo gargaar ah laba maalmood gudahooda markii lagu dhawaaqay in haweenka laga mamnuucayo jaamacadaha.

Hadda waxay heshaa qiyaastii todobo ilaa 10 wicitaan oo cusub maalin kasta. Bukaanadeeda badankoodu waa haween iyo gabdho da’yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here