Iran oo labo isbuuc ku samaysanaysa shidaal ku filan bam Nukliyeer ah iyo Mareykanka oo…

0
165

Iran oo labo isbuuc ku samaysanaysa shidaal ku filan bam Nukliyeer ah iyo Mareykanka oo…

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay inay suuro gal tahay in wax ka yar laba toddobaad inay Iran samaysan karto agab ku filan inay ku soo saarto bam nukliyeer ah, iyada oo muddo bilo ahna ku dhamaystiri karta inay samaysato hubka nukliyeerka.

Taliyaha ciidamada Maraykanka General Mark Milley oo la hadlay xubno ka tirsan golaha Congresska ayaa u sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu dalka Iran ka hor istaago inay samaystaan hubka Nukliyeerka.

“Annaga, ka milateriga Maraykanka ahaan, waxaan madaxda sare u diyaarinay dhawr arrimood oo ay kala dooran karaan, oo ay qaadaan haddii ama marka Iran ay samaysato hub nukliyeer oo rasmi ah” sidaas waxaa sheegay Taliye Milley.

Hadalka Taliyaha ayaa daba socday, hadal uu sheegay toddobaadkii hore xoghaye ku xigeenka difaaca ee dhinaca siyaasadda Colin Kahl, kaas oo u sheegay sharci-dejiyayaasha inay dalka Iran ku aadanayso illaa “12 maalmood” inay helaan shidaal ku filan samaysashada hubka nukliyeerka, haddii ay go’aansato inay samaysato.

Taliye Milley iyo xoghaye ku xigeenka difaaca, oo ka mid amasuuliyiinta kormeera hawlgallada milateri ee bariga dhexe, ayaa sharcidejiyayaasha Maraykanka u sheegay, in Iran ay weli sii waddo inay xasilooni darro ka abuurto gobolka bariga dhexe, iyada oo taageeraysa kooxaha argagixisada iyo weliba dhinacyo kale.

Warbixintan waxaa qortay Carla Babb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here