Al Shabaab oo shaacisay tirada askarta dowladda ee ku dileen Weerarkii Ruun-nirgood

0
162

Al Shabaab oo shaacisay tirada askarta dowladda ee ku dileen Weerarkii Ruun-nirgood

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo farriisimo ciidan ku lahaayeen ciidanka milatariga iyo kuwa deegaanka.

Sida aan wararka ku helnay dagaal culus ayaa degmada Ruun-nirgood ku dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada milataiga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Gor Gor.

Al Shabaab ayaa durbo guulo waa weyn ka sheegatay weerarka saakay ku qaadeen degmada Ruun-nirgood, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 51-askari sidoo kale ku gubeen 8 gaari oo ciidamada lahaayeen.

“Khasaaraha dhimasho ee cadawga kasoo gaaray weerarka ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga degmada Ruun-irgood waa 51 dhimasho ah oo soo gaartay ciidamada Turkigu ku shaqaysto ee loogu yeero Gorgor, kuwaas oo iskugu jira saraakiil iyo askar. Dhamaan gaadiidkii ciidamada u yaallay saldhiga oo ay tiradiisu ahayd 9 gaari 8 kamid ah dagaalka ayaa lagu gubay, halka mid kamid ahna lasoo qaniimaystay” ayuu yiri Sheekh C/caziiz Abuu Muscab.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin weerarkan saakay Al Shabaab ku qaadeen degmada Ruun-nirgood , saraakiil katirsan milataruga Soomaaliya ayaana sheegay in weerarka Al Shabaab iska caabiyeen kuna gaarsiiyeen khasaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here