Booliiska Kenya oo xiray Dhalinyaro dibadbax ka dhigayay Magaalada Nairobi.

0
163

Booliiska Kenya oo xiray Dhalinyaro dibadbax ka dhigayay Magaalada Nairobi.

Ciidamo katirsan Booliiska Kenya gaar ahaan kuwa loogu talagalay kahortagga rabshadaha ayaa maanta xiray tobaneeyo Dhalinyaro ah oo abaabulayay isu-soobax ka billowda agagaarka Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee KICC ee Magaalada Nairobi.

Booliiska ayaa si feejigan uga howlgalay meelaha laga abaabuli karo dibadbaxyada si deegaannada ay u badan yihiin Taageerada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas Raila Odinga oo maanta ku baaqay in ay fasax galaan shaqaalaha Dowladda taasi waxaa daan-daansi ku tilmaamay mas’uuliyiin katirsan Dowladda.

Ku dhowaad 4 qof oo doonayay in ay isu-soobax ka abaabulaan bannaanka maxkamadda Sare ee Kenya ayaa la xiray waxaana loo kaxeeyay mid kamid ah saldhigyada Ciidamadu ugu talagaleen in ay isugu geeyeen dadka loosoo.

Qaar kamid ah Dadka bannaanbaxa dhigaya ayaa burbur u geysteen Gaari marayay Xaafadda Kibera ee Ismaamulka Nairobi, saraakiisha amniga qaabilsan ayaa sheegay in ay baaris ku sameynayaan si uu xaq u helo muwaadinka leh gaarigaas.

Xaalad feejignaan ah ayaa ka jirta Guud ahaan Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi kaddib markii hoggaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga uu ku dhawaaqay fasax ay galaan Shaqaalaha Dowladda si baalmarsan sharciga dalkaas ee fasaxa siinaya shaqaalaha.

Dowladda William Ruto oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa feejignaan dheeraad ah gelisay Ciidamada Booliiska iyo cutubka sida gaarka ah ugu tababaran ee kahortaga rabshadaha si ay uga hortagaan bannaanbaxyo ka billowda dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here