Tahriibayaal Soomaali ay ku jirto oo joogay Mareykanka oo u gudbay Canada.

0
151

Tahriibayaal Soomaali ay ku jirto oo joogay Mareykanka oo u gudbay Canada.

Magangalyo doon dhalasho kala duwan heysta oo ay kamid yihiin Soomaali ayaa isaga kala gudbay soohdinta u dhaxeysa Mareykanka & Canada si ay u helaan sharciyada Dalkaas oo ay u arkaan in uu ka fudud yahay kan Mareykanka sida loo heli karo.

Qaar kamid ah Dadkaan ayaa ku dooday in markii ay Mareykanka tageen ay waayeen dhaqdhaqaaq xoojinaya rejada ay ka qabaan in ay degenaashiyo ka helaan sidaas awgeed ay u gudbeen Canada oo ay aaminsan yihiin ay ka degdeg badan tahay.

Ciidamada ilaalada xuduudaha ee Canada ayaa sheegay in ay isu dhiibeen dadkaan oo ay ku wareejiyeen waaxda qaabilsan socdaalka soogalootiga si ay u marsiiso habraacyada ay ugu talagalashay in dib u dejinta ku siiso.

Dadkaan magangalyo-doonka ah ayaa markii hore waxa ay Mareykanka ku galeen tahriib ay isaga kala gudbeen Koofurta & Waqooyiga Ameerika waddamo dhaca oo ugu dambeyn u tallaabeen Dalkaas iyaga oo uga sii gudbay Canada.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Canada ayaa sheegay in lagu jiro waqtiga qaboobaha oo dhulka waxaa ka sare maray baraf badan maadaama dadkaan aanay heysan baraarug weyn waxa ay cabsi ka qabaan in isbaddelka uu saameeyo noloshooda.

Dhowaan waxaa la filayaa in ay shir gaar ah yeeshaan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden & Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau si ay uga wada-xaajoodaan xal u helista qulqulka Magangalyo-doonka isaga kala gudbaya soohdinta labada Dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here