Cudur dilaa ah oo ka dilaacay dalal ku yaalla Qaaradda Afrika iyo Soomaaliya oo..

0
222

Cudur dilaa ah oo ka dilaacay dalal ku yaalla Qaaradda Afrika iyo Soomaaliya oo..

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ugu baaqday Afrika in ay kordhiso dagaalka ay kula jirto xanuunka daacuun caloolaha, kaasoo sanadkii la soo dhaafay 12 waddan oo qaaradda ah ku dilay in ka badan 3 kun oo qof.

In ka badan kala bar dadkani waxa ay ku dhinteen waddanka Malawi oo daacuun calooluhu ka dillaacay.

WHO iyo xarunta la socodka iyo maareeynta cudurrada ee Afrika ayaa kullan deg deg ah oo laba maalmood socday ku yeeshay todobaadkan dalka Malawi, kullankaasi waxaa ka qeyb galay wasiirro ka socday 14 dal oo Afrikaan ah.

Dhinaca kale, Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaannada hoosyimaada waxaa saameyn ku yeeshay cudurka shuban-biyoodka oo ay u dhinteen illaa 15 qof oo u badan caruur.

Xanuunka ayaa soo ritay dad gaaraya boqol qof waxaana soconaya dadaallo wax looga qabanayo cudurkaasi oo ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Sanad kasta marka la soo gaaro xiligan oo kale ee Jiilaalka ama kuleylaha ayaa waxaa dalka ka dilaaca cudurka shuban biyoodka ama daacuun caloolaha kaasoo inta badan soo rita caruurta iyo xitaa dadka waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here