Laba nin oo Soomaali ah oo loo xukumay dambiga afduub ee weriye Mareykan ah

0
147

Laba nin oo Soomaali ah oo loo xukumay dambiga afduub ee weriye Mareykan ah

Maxkamad Federal oo ku taalla magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa la soo taagay 2 Nin oo Somali ah oo lagu eedeynayo inay Taageereen Koox Burcad-baddeed Soomaali ah oo qafaalatay Weriye Ajnabi ah.

Labada Nin ee la soo taagay Maxkamadda New York waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Tahlil Mohamed iyo Abdi Yusuf Hassan, kuwaasi oo Xeer-beegti Federal ah ku soo oogeen qafaalaaaho, Fududayn Qalab loo adeegsaday Argagixiso iyo Dembiyo kale oo lagu muteysan karo Xabsi Daa’im.

Saxafiga la qafaashay oo asal ahaan u dhashay dalka Jarmalka, waxa uu haysta dhalashada Maraykanka (a German-American Journalist).

Weriye Michael Scott Moore, oo u shaqayn jirey Wargeyska Spiegel Online waxaa bishii January ee sanadkii 2012-kii laga qafaashay magaalladda Gaalkacayo oo 643.7 KM (400 miles) dhanka W/bari kaga toosan Caasimadda Muqdisho.

Weriyaha xilligii la qafaalanayey waxa uu ku hawlanaa Cilmi-baarista Buug uu ka qorayey Arrimaha Burcad-baddeed Soomaalida.

Weriyaha oo afduub ahaan loo hayey muddo 2 sano iyo 6 bilood waxaa la sii daayey bishii September ee sanadkii 2014-kii, kadib, markii ay Qoyskiisa bixiyeen Lacag madax-furasho oo dhan 1.6 milyan oo Dollar.

Dhanka kale, Eedeysanaha Abdi Yusuf Hassan oo haysta Dhalashada Maraykanka (U.S. Citizen) waxaa lagu xiray magaallada Minneapolis sanadkii 2019-kii.

Eedeysanaha kale ee Mohamed Tahlil Mohamed wax faahfaahin ah lagama hayo Halkii laga soo qabtay, balse, waxaa uu Xabsiga magaalladda New York ku xirnaa tan iyo sanadkii 2018-kii.

Si kastaba, Labada Eedeysane waxaa la qorsheeyey in Xukunkooda lagu dhawaaqi bisha September 6-da ee sanadkan 2023-ka.

 

W/T Ustaad Nuradin

Xigasho: Wakaallada Wararka ee AP.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here