Haweeney dishay Carruur ay dhashay oo lagu fuliyay xukun dil ah ay horey u codsatay

0
196

Haweeney dishay Carruur ay dhashay oo lagu fuliyay xukun dil ah ay horey u codsatay

Haweeney u dhalatay dalka Belgian oo dishay shan caruur ah oo ay dhashay, ayaa la oggolaaday codsigeeda, 16 sano kadib dilka, waxaana lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee dalbatay.

Genevieve Lhermitte, ayaa wiilkeeda iyo afar gabdhood oo ay da’doodu u dhaxayso 3 ilaa 14 jir ku dishay magaalada Nivelles, 28kii Febraayo sanadkii 2007-dii, iyadoo aabahood uu ka maqnaa goobta uu falka ku dhacay.

Kadib waxay isku dayday in ay nafteeda isdisho, balse way ku guul daraystay, waxayna ugu danbayn wacday adeegga gurmadka.

Haweeneydan 56 sano jirka ah, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in sannadkii 2008-dii, ka hor inta aan loo wareejin isbitaalka dhimirka sanadka 2019-ka.

Dalka Biljamka sharcigu waxa uu ogol yahay in dadka xiran nafta laga qaado, haddii ay la ildaran yihiin cudurada maskaxda.

Dilalka tirada badan ee sanadkii 2007-dii, iyo maxkamadeyntii xigtay, ayaa waxay ruxday dalka Belgium.

Intii ay socotay dacwada qareenada Lhermitte, ayaa waxay ku doodeen inay maskaxiyan u jiran tahay haweeneydan, oo aan xabsiga lagu sii hayn karin.

Dhakhtarad ku takhasusay cilmi-nafsiga, Emilie Maroit, ayaa u sheegtay kanaalka RTL-TVI, in Lhermitte ay doonaysay inay iyadu is disho 28-kii Febraayo, si ay uga qoomamayso caruurteedii ay dishay.

Waxey intaa ku dartay dhakhtarada, in Lhermitte ay sidoo kale doonaysay taariikhdii soo tixnayd, in ay soo afjarto.

Xeerbeegtida, ayaa ku heshay dambiga ah inay dil bareer ah geysatay, waxayna ku xukumeen xabsi daa’in.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here