Rejada dib u doorashada Erdogan oo xoogaysatay kadib markii mucaaradka ay…

0
165

Rejada dib u doorashada Erdogan oo xoogaysatay kadib markii mucaaradka ay…

Mucaaradka Turkiga ayaa ku guuldarraystay inay yeeshaan musharrax qura oo doorashada soo socota kula loolama Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan.

Arrintan ayaa fursad wanaagsan u abuurtay hoggaamiyahan mudada dheer u talinayay Turkiga, oo culays badan uu kasoo food saaray qaabka ay dowladdiisa u maaraysay dhul-gariirkii dadka badan ku laayey dalkaas.

Hogaamiyayaasha lix xisbi siyaasadeed oo isbahaysi samaystay ayaa Khamiistii kulan xasaasi ah isugu tegay, si ay u shaaciyaan musharraxa ka hortagaya Erdogan, balse kulankaas ayaa kusoo idlaaday fashil.

Kemal Kilicdaroglu, oo madax u ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP, ayaa doonaya in loo doorto musharraxa isbahaysiga, arrintaas oo laga diiday isaga oo mucaaradad xooggan kala kulmay xubnaha xisbiga kale ee IYI.

Kulankii Khamiista dhacay ayaa ahaa midkii 12-aad ee ay mucaaradka yeeshaan si ay isula meel dhigaan musharraxa la tartami doona Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay mucaaradkiisa kuwo aan dhinac isu raaci karin, islamarkaana aan lagu aamini karin masiirka Turkiga.

Maalin kahor inta aanay mucaaradku yeelan kulankii ugu dambeeyay, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ay dhici doonaan 14-ka May.

Markaa kadib waxaa meesha ka baxay tuhun ahaa in doorashada ay dib u dhici doonto maadaama Turkiga ay soo wajahday musiibo ka dhalatay dhulgariiradii is xigay ee ay ku dhinteen in ka badan 45 kun oo qof.

Doorashada May
Waxaa la saadaalinayaa in doorashada soo socota ay noqon doonto tii ugu adkeyd ee uu wajaho Erdogan oo hogaaminayay Turkiga muddo 20 sano ah.

Xukuumadda uu hoggaamiyo ayaa billowday mashaariic ku kacaya balaayiin dollar oo dib loogu dhisayo magaalooyinkii ku burburay dhul-gariirka.

Mucaaradka ayaa lagu dhaliilay in aanay soo bandhigin qorshayaal muhiim u ah dalka, si ay u soo jiitaan dadka aan weli go’aansan cidda ay u codeyn doonaan.

Sidoo kale waxa aanay mucaaradku ka faa’iideysan dhaliilaha loo jeedayay xukuumadda ee ku aaddan qaabka ay uga falcelisay dhul-gariirradii dhacay.

Horraantii sanadkii tegay, mucaaradka ayaa kasbaday taageero badan, haddase waxaa muuqata in taageeradaas ay u wareegtay dhanka Erdogan iyo xisbigiisa talada haya, sida ay sheegeen dadka ka faallooda siyaasadda Turkiga.

Erdogan oo awoodo ballaaran ku helay doorashadii 2018 ayaa ah siyaasiga ugu caansan Turkiga.

Hase yeeshee waxaa hoos u dhacday shacbiyadda xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarinta oo ay ka weecdeen dadka saboolka ah ee Turkida.

Dalkaas ayaa la taacalaya dhaqaalo xumo baahsan oo ka dhalatay sicir-barar gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo tobanaan sano ah. Waxaa uga sii daray dhul-gariiradii dhacay bishii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here