Madaxweynaha Dalka Turkiga “Sweden kuma biiri karto NATO haddii la ogolaado in la gubo Qur’aanka”

0
123

Madaxweynaha Dalka Turkiga “Sweden kuma biiri karto NATO haddii la ogolaado in la gubo Qur’aanka”

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkigu aanu ogolaan doonin in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO, illaa iyo inta dalkoodu ogol yahay in ay dhacaan mudaharaado lagu xumaynayo kitaabka barakaysan ee Quraanka Kariimka ah.

Dalka Turkiga ayaa in muddo ah hortaagnaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan isbahaysiga milateri ee dalalka reer Galbeedka, ka dib markii uu Turkigu si weyn uga carooday banaanbaxyo dhawr ah oo lagu qabtay Stockholm, kuwaas oo kitaabka quraanka ah lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Turkigu ku leeyahay Sweden, isla markaana deldelay sawirta Erdogan, iyo weliba in dalka Sweden uu martigeliyo xubno mucaarad ku ah Turkiga, kuwaas oo Turkigu ku daray liiska argagixisada.

Waxaa dib loo dhigay shir muhiim ah oo ka dhici lahaa Brussels, kaas oo lagaga hadli lahaa xubinimada labadan dal, maadaama Turkigu uu si cad u sheegay inaanu u codaynayn in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO.

“Sweden waxa aan leeyahay, ha isku mashquulin [in aad hesho ogolaanshahayaga], inta aad ogolaataan in Kitaabkayaga Quraanka ah la gubo lana jeexjeexo, xilli ay laamaha ammaankuna la qabaan falkaas, naga heli maysaan inaan ‘Haa’ ugu codayno inaad ku biirtaan NATO” ayuu yidhi Erdogan.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Sweden ayaa iska fogeeyey mudaharaadada, iyaga oo xiriir ka dhexeysiiyey, mudaharaadada dhacay iyo ilaalinta xorriyadda hadalka.

Talaadadii, Ra’iisal Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhaleeceeyey kooxaha soo abaabulay bannaanbaxyada.

Isha: VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here