Doon boqolaal neef oo xoolo ah ka qaaday deked Soomaaliya ku taalla oo quustay

0
135

Doon boqolaal neef oo xoolo ah ka qaaday deked Soomaaliya ku taalla oo quustay

Doonida oo habeenkii Isniinta ka shiraacatay Somalia waxay Boqolaal Neef oo Lo’ ah u waday dalka Yemen.

Ilo Maxali ayaa sheegay in Doonida ku degtay meel 45 mile u jirta Xeebaha magaalladda Berbera.

Ilaa 12 Badmaaxiin ayaa la socday Doonida degtay, kuwaasoo 5 ka mid ah u dhasheen Yemen, halka 5 kale ka soo jeedaan dalka Hindi iyo 2 Somali ah.

Ganacsade u dhashay dalka Hindiya ayaa lahaa Doonida degtay oo lagu magacaabi jirey Al-Marwa, taasoo Shixnadaha Xoolaha iyo Badeecdaha kale u kala daabuli jirtay Somalia iyo Yemen.

Dabaylo xoogan ayaa la sheegay inay ku dhufteen Koonfurta iyo Galbeedka Badda Cas iyo Gacan-biyoodka Baab Al-Mandab Taasoo sababtay inay Doonida Xoolaha waday degto.

Hay’adda Saadaasha Hawada ee Yemen waxay uga digtay Kalluumeysatada dabaylaha ka dhacayo xeebaha Galbeedka iyo Koonfurta Badda Cas ee khatarta gelin karta Noloshooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here