2 ruux oo ku dhimatay Dabaylo baraf watay oo ku dhuftay Mareykanka.

0
211

2 ruux oo ku dhimatay Dabaylo baraf watay oo ku dhuftay Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay geerida 2 ruux oo kaddib markii dabaylo baraf watay ay ku dhufteen Gobolka Texas, geerida labadaas qof ayaa timid kaddib markii ay isku dhaceen Gawaari sida hadalka loo dhigay.

Afhayeen u hadlay Gobolka Texas ayaa sheegay in barafka uu qariyay dhulka caadiga ah, Gawaarida xiligaas socotayna ay ka baxeen dhabbaha rasmiga ah maadaama laamiga oo dhan uu barafku dahaaray.

Dowladda Hoose ee Texas ayaa degdeg u joojiyay isu socodka Gaadiidka iyo Dadka halka la hajiyay duullimaadyada diyaaradaha maadaama dabaylo xooggan oo barafta wata ay sababeen khasaaro dhimasho.

Waaxda la socodka isbaddelka Cimilada ee Mareykanka ayaa sheegtay in dabaylaha & barafka is watay aanay horay digniin looga helin balse si degdeg ah looga jawaabay arrintaan si aanay u noqon musiibo dhibaato reebta.

Maamullada Gobollada Mareykanka ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin halista ka dhalan karta barafka, dabaylaha & musiibooyin kale, waxa uu sabab uga dhigay isbaddelka Cimilada oo guud ahaan Caalamka looga baahan yahay in meel la isla dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here