Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Weerrarkii Ka Dhacay Magaalada Qudus

0
239

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Weerrarkii Ka Dhacay Magaalada Qudus

Booliska Israa’iil ayaa sheegay in 13 jir Falastiini ah uu gaystay weerrar ka dhacay xaafad ka baxsan aagga qadiimiga ah ee magaalada Qudus kaas oo wiil iyo aabihii ay si xun ugu dhaawacmeen.

Wiilka da’da yar ee weerrarka gaystay ayaa markii dambe toogasho lagu dhaawacay.

Weerrarkan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii Falastiini hubaysan uu todoba qof ku dilay meel u dhaw kaniisad.

Iyagoo ka jawaabaya weerraradaasi ayaa booliska waxa ay sare u qaadeen heer feejignaanta iyagoo gaarsiiyay meeshii ugu sarraysay, halka milateriga Israa’iil uu sheegay inay xoojin doonaan ciidammada ka jooga Daanta Galbeed ee la haysto.

Khamiistii, sagaal Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay howlgal milateriga Israa’iil ay ka fuliyeen magaalo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here