Qabow Daran Oo Ka Jira Dalka Afghanistan Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Oo Sii Kordhaya

0
192

Qabow Daran Oo Ka Jira Dalka Afghanistan Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Oo Sii Kordhaya

Sarkaal ka tirsan ururka Taalibaan ayaa sheegay in in ka badan 160 qof haatan la ogyahay inay u dhinteen cimillada qabow ee adag ee ku dhufatay waddanka Afgaanistaan.

Bayaan muuqaal ah oo uu soo duubay ayuu Cabduraxmaan Saahid oo ka tirsan wasaaradda maareynta musiibooyinka, ku sheegay in dadku ay sababsadeen siyaabo isugu jira daadad soo rogmoday, dab kacay iyo gaaska guryaha lagu kulayliyo oo ku qubtay guryahooda.

Hay’adaha gargaarka ayaa hore uga digay in in ka badan kala bar dadka Afgaanistaan ay gaajo wajahayaan.

Hay’adaha samafalka ee sisheeye ayaa hoos aad ugu dhacay tan iyo markii Taalibaan ay awoodda dalkaasi la wareegeen bishii Agoosto ee 2021-kii.

Bishii la soo dhaafay ururka Taalibaan ayaa meelmariyay sharci adag oo haweenka Afgaanistaan ka mamnuucaya inay u shaq0-tagaan hay’adaha bini’aadamka u gargaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here