Maamulka GalMudug oo sheegay In Dhawaan Ay Si Buuxda Ula Wareegayaan Alshabaab Goboladooda

0
179

Maamulka GalMudug oo sheegay In Dhawaan Ay Si Buuxda Ula Wareegayaan Alshabaab Goboladooda

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xooggaga Al-Shabaab laga saaray 80% gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya.

Ciidanka maamulka goboleedka GalMudug, iyo kuwa dowladda Soomaaliya, ayaa haatan wuxuu yoolkoodu yahay inay gacanta ku dhigaan degmada Ceelbuur.

Degmadani, ayaa ah tan ugu weyn ee uu haatan ururkaasi kaga sugan yahay gobolka.

Galguduud, ayaa kamid ahayd gobollada ay ku xoog badnaayeen ururka Al-Shabaab, xiliyadii ugu dambeeyey lagu hayey duullaan xooggan.

Guddoomiyaha Galguduud Cilmi Cali Cabdi (Cilmi-Ganey), ayaa carabka ku dhuftay in haatan ciidamada ay ku hawlan yihiin, sidii ay uga bixin lahaayeen Alshabaab deegaanada ku xeeran Xarardheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here