Gabadh Saaxiibkeed Heshiis Guur Kaga Baxday Oo Ay Maxkamad Xukuntay

0
244

Gabadh Saaxiibkeed Heshiis Guur Kaga Baxday Oo Ay Maxkamad Xukuntay

Maxkamad ku taal magaalada Kanungu ee dalka Uganda ayaa ku amartay haweeney inay lacag ka badan 2,700 oo doollar oo magdhow ah siiso saaxibkeedii hore, kaddib markii ay jabisay ballan qaad ah inay guursaneyso.

Dukumiintiyada maxkamadda ayaa muujinaya in Richard Tumwine iyo Fortunate Kyarikunda, oo labaduba ah macallimiin, ay bilaabeen xiriirkooda 2015, iyadoo markii dambe ay galeen heshiis guur sannadkii 2018.

Maxkamaddu waxay sidoo kale dhageysatay in Tumwine, oo ah macallin, uu dhaqaale ahaan Kyarikunda ka taageeray kharashaadka shahaado diploma ah oo kuliyadda sharciga ah taas oo ay ka baraneysay Xarunta Horumarinta Sharciga halkaas oo uu ku kharash gareeyay in ka badan 2,500 oo doolar.

Garsooraha darajada koowaad ee Kanungu Asanasio Mukobi ayaa xukumay in mar haddii Kyarikunda aysan oofin ballankii guurka, uu Tumwine xaq u leeyahay inuu dib u helo lacagtii uu ku kharash gareeyay.
Mr Mukobi waxa kale oo uu ku amray Kyarikunda inay magadhaw ahaan u bixiso 271 maaddaama dhibaato dhanka qalbiga ah u geysatay Tumwine.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale ku amray Kyarikunda inay bixiso kharashaadka dacwaddeeda uga baxay Tumwine.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, Tumwine waxa uu maxkamadda u sheegay in xafladda hordhaca ah loo qorsheeyay Febraayo 2022 balse aysan dhicin, mana jirto sabab macquul ah oo la sheegay.

Maxay tahay sababta ay haweeneyda uga baxday ballanta guurka?
Maxkamadda ayaa dhageysatay in Kyarikunda ay la timid cudur daar ah in waalidkeed ay sheegeen in gabadhooda aysan guursan nin ka weyn, iyadoo ula jeedday Tumwine.

Laakiin maxkamaddu waxay tiri: “Tani waa mid aan caqli gal ahayn, oo been abuur iyo khiyaamo ah. Markii ugu horreysay waxay haystay dhammaan fursada ay ku diidi karto codsiyada jacaylka aysan sidoo kale isticmaalin lacagihiisa.”

Maxkamaddu waxay aragtay in labada qof uu ka dhexeeyay xiriir jacayl, oo gaaray in guur lagu heshiiyo.

“Eedaysanuhu (Kyorikunda) waxay soo jeedisay in taariikhdu marka ay ahayd Febraayo 2022 laga dhigo xafladda hordhaca ah ee guurkooda.”

Cudur daarka ay eedaysanuhu bixisay ayaa ahaa in aanay guursan karin nin oday ah, oo ah dacwoodaha, sidii iyada oo aan arag rag dhallinyaro ah muddadii afarta sano ahayd ee ay haasaawahaayeen,” ayuu yidhi garsooraha maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here