Maxaa laga bartay Dagaalka Ruushka & Ukraine ee 335ta Cisho jirsaday?

0
174

Maxaa laga bartay Dagaalka Ruushka & Ukraine ee 335ta Cisho jirsaday?

Duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022 waxaa laga bartay saddex arrin oo kala ah: Awoodda Militari, Siyaasadda & Saameynta dhaqaalaha ee gaaray labada dal & guud ahaan dunida inteeda kale.

Dhanka Dagaalka:

Marka la eego dhinaca dagaalka waxa ay labada Dowladood ee Ruushka iyo Ukraine ay soo bandhigeen awood xad dhaaf ah iyaga oo ku waayay saraakiil, Askar & hub militari sida Gaadiidka culus.

Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Poland, Finland, Sweden & Norway ayaa dagaal ka riixaya Xukuumadda Ukraine iyaga oo sheegay in ay garab istaag muuqda la dhinac taagan yihiin si ay isaga caabbiyaan duullaanka Ruushka.

Shiinaha & Dalal kale oo kooban oo ay kamid tahay Iiraan ayaa kor kala socda Ruushka, halka dalalka Carabta ay ku garbiyeen in laga maarmo shidaalka & gaaska dabiiciga ah ee laga helo Raashiya si iyagu u buuxiyaan kaalintaas.

Turkiga waa dalka keliya saaxiib la ah labada Dal ee Ruushka & Ukraine, waxa uu marar badan dhexdhaxaadiyay Labada waddan, wakiilo buuxa oo ka kala socda Moscow iyo Kyiv ayuu martigeliyay oo waa ay wadahadleen.

Mareykanka waxa uu bixiyay Gantaallada Difaaca diyaaradaha & hubka culus ee Patriot ee awoodda u leh in ay qabtaan ama ugu yaraan Burburiyaan gantaalka ku dhaca meelaha aagga looga dhigay.

Siyaasadda:

Waxaa yaraaday dhaqdhaqaaqa siyaasadda Dowladda Ukraine, madax, shacab, Mucaarad & Muxaafid, dhammaan waxa ay u jiheysteen sidii ay isaga caabbin lahaayeen Ruushka oo ku duullaay dalkooda.

Ukraine kahor inta aysan wajihin Ruushka waxa ay garab istaag muruq muujin ah ka heysatay Mareykanka oo mar u ballanqaaday in haddii Moscow xabbad ku riddo uu dagaalkaas toos u geli doono ayaa kusoo koobmay in uu taakulo militari siiyo.

Jarmalka oo bilihii u horreeyay taageero u muujiyay Ukraine ayaa wixii ka dambeeyay Janaayo 2023 waxa uu billaabay gaabis xooggan oo la xiriira bixinta taageerada militari ee Xukuumadda Ukraine u baahan tahay.

Saameynta Dhaqaalaha:

Ukraine waxa ay dhaqaale badan ka heli jirtay gargaarka bani aadamnimada ee Hay’adda Cunnada Adduunka Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada ee WFP si hay’addaas u ugu qaybiso waddamada kaalmada u baahan.

Dekedaha Ukraine ayaa u xirmay dagaalka Ruushka balse mar ayaa loo furay si KMG ah kaddib markii Turkiga uu dhexdhexaadiyay labada Dowlad si gargaarka ku xayiran looga qaado loona geeyo dalalka loo iibiyay.

Guud ahaan Caalamka waxa uu dagaalkaan ku sababay is baddel dhanka Maciishadda ah, shidaalka, Gaaska & Agabka lagu soosaaro waddamada dagaalkooda sanad jirsan raba ee Ukraine iyo Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here