Beesha Caalamka Oo Soo Saartay Farriin Ku Socota DF & Kuwa Maamul Goboleedyada

0
137

Beesha Caalamka Oo Soo Saartay Farriin Ku Socota DF & Kuwa Maamul Goboleedyada

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay dadaallada ay wadaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada, si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada ayaa lagu sheegay inay si gaar ah u soo dhoweynayaan dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida Soomaaliya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhammaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada uugu baaqay inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi.

“Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Warkaan waxaa si wadajir ah usoo saaray : Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here