Wafdi Ka Socday Yemen Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedkoda

0
203

Wafdi Ka Socday Yemen Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedkoda

Wafdi ka socday dalka Yemen oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak ayaa soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo booqasho ku joogi doona saddex maalmood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak.

Inta uu wasiir Dr. Axmed joogo Muqdisho ayaa waxaa uu wada-hadallo la yeelan doonaa dhiggiisa Wasiir Abshir Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka, iyaga oo ka wada hadali doono xoojinta xiriirka labada dal iyo Iskaashiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa caddeeyay in Wasiirka arrimaha dibadda Yemel uubooqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dowladda, isla markaana uu la kulmi doono madaxda sare ee dowladda qaarkood.

“Dalka Yemen xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here