Dalka Nepal: 40 qof ayaa ku geeriyootay Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof

0
189

Dalka Nepal: 40 qof ayaa ku geeriyootay Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof

Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof ayaa ku burburtay meel u dhaw garoon ku yaalla bartamaha Nepal, waxaana ku dhintay 40 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Dowladda. Diyaaradda oo lagu magacaabo Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, iyada oo ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

Wararka laga helay ayaa waxa tibaaxayaan in Diyaaradda ay burburtay xilli ay dageysay isla markaana dab uu qabsaday. Gurmadka lagu daminayo dabka ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidamada Nepal oo gaaraya 200 ayaa qeyb ka howlaha gurmadka ah ee ka socda goobta ay diyaaradda ku burburtay ee webiga Seti.

Afhayeenka shirkadda diyaaradaha Sudarshan Bartaula oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa yiri “Diyaaradda waxaa saaran 68 rakaab ah iyo afar ka mid ah shaqaalihii diyaaradda. Samatabbixinta ayaa socota, hadda ma garanayno haddii ay jiraan dad badbaaday,” sida uu yiri afhayeenka shirkadda.

Muuqaal lagu baahiyay Baraha Bulshada kuwaas oo laga soo duubay goobta ay ku dhacday Diyaaradda ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareeray, iyada oo ay gurmadka loogu jiro badbaadinta dadka saarnaa diyaaradda.

Hawl wadeennada dayuuradaha ayaa sheegaya in Nepal ay ka maqan tahay kaabayaal saadaasha cimilada saxda ah, gaar ahaan meelaha fogfog ee leh dhul buuraley ah oo dhib badan, halkaas oo shilal dilaa ah ay horay uga dhaceen.

Bishii Maajo 2022, diyaarad ay saarnaayeen 22-kii qof oo ay maamusho shirkadda Tara Air ee dalka Nepal ayaa waxa ku geeriyooday dhammaan dadkii saarnaa oo ka koobnaa 16 Nepalis ah, afar Hindi ah iyo laba Jarmal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here