Qaabka Basasha Looga Sameeyo Cabitaan Dawo Ah Iyo Xanuunnada Lagula Tacaalo

0
393

Qaabka Basasha Looga Sameeyo Cabitaan Dawo Ah Iyo Xanuunnada Lagula Tacaalo

Basashu waa khudrad inta badan laga helo kijada gurysheenna, taas oo wanaajisa dhadhanka cunnada, caafimaadkana faaido u leh.

Warbixin lagu baahiyay shabakadda Boldsky ee arrimaha caafimaadka ka faalloota ayaa lagu sheegay in basashu qani ku tahay walxaha jirka sunta kaa saaro, lidka-hurka (anti-inflammatory) iyo lidka bakteeriyada. Waxay kaloo hodan ku tahay Fitamiinnada A, B iyo C, folic acid iyo macdano ay ka mid yihiin kalsiyaam, phosphorus, magnesium, sulphur iyo xadiid.

Faaidooyinka caafimaad ee cabitaanka basasha:
Sida lagu arkay daraasad la sameeyay, cabitaanka basashu waxaad kordhiyaa shahwada, wuxuuna wanaajiyaa dhaqdhaqaaqa shahwada taas oo saamaysa uureynta. Walxaha sunsaarista ee ku jira cabitaanka basasha waxay ilaaliyaan caafimaadka shahwada.

Waxaa intaas dheer, cabitaanka basashu wuxuu wanaajiyaa qulqulka dhiigga ee gaaraya xaniinyaha, wuxuuna kobciyaa soo saarista hormoonka testosterone ee ragga.

Faaidooyinka kale ee cabitaanka basasha waxaa ka mid ah:

Ka hortagga cudurrada wadnaha
Daawaynta infekshannada ku dhaco indhaha
Hoos u dhigista miisaanka
Ka hortagga bidaarta
Daaweynta xasaasiyadda
Daaweynta madax xanuunka daran
Yareynta xubno xanuunka
Daaweynta qaaxada
Hadaba Muuqaalkaan hoose ka daawo faaidooyinka tirada badan ee cabitaanka basasha iyo xanuunada uu ka hortagga u yahay,

XQ:  kamaal Marjaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here