Faah Faahin: Dabley Hubeysan Oo Dhalinyaro Ku Dishay Magaalada Gaalkacyo

0
220

Faah Faahin: Dabley Hubeysan Oo Dhalinyaro Ku Dishay Magaalada Gaalkacyo

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay kadib markii Malleyshiyaad hubaysan ay rasaas ku fureen Goob Ganacsi oo kutaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan weerarkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno Gaalkacyo ayaa sheegaya in Labo ruux ay ku dhinteen rasaastaasi ay fureen Maleyshiyaadkaasi,w axaana sidoo kale lasoo sheegayaa dhaawacyo intaa ka badan.

Falkaasi dilka ah ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aanooyin qabiil,taasi oo muddo dheer soo taagnayd,waxaana goobta isaga baxsaday dableydii falakasi dilka ah fulisay.

Ciidamada ammaanka ayaa dhankooda howgallo ay ku baadi goobayaan dableydii weerarka fulisay waxaa ay ka sameeyeen aagga-uu falku ka dhacay,waxaana warar hoose oo aynu helnay ay sheegayaan gacanta lagu soo dhigay Malleyshiyaadkii dilka gaystay.

Falkaasi dilka ah ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, waxaana labada marxuum ee dhintay lagu kala Magacaabi jiray Burhan jama iyo Farxan naser, kuwaasi oo ka mid ahaa dhalinta degaanka.

Gobolka Mudug ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana horay heshiisyo nabadeed loo kala dhex dhigay malleyshiyaad ku dagaalamay qabyo ka mid ah Gobolkaasi,kuwaasi oo uu soo kala gaaray khasaare dhimsho iyo dhaawac leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here