Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Wasiir Israa’iili Ah Oo Booqday Masjidka Al-Aqsa

0
208

Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Wasiir Israa’iili Ah Oo Booqday Masjidka Al-Aqsa

Wasiirka midigta-fog ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir ayaa maanta booqday dhismaha masjidka Al-Aqsa markii ugu horreysay tan iyo markii uu noqday wasiir, waxaa sidaas sheegay afhayeenkiisa, taasi oo ka careysiisay Falastiiniyiinta oo tallaabadaas u arka daan-daansi.

“Dowladdeena isuma dhiibi doonto hanjabaadaha Xamas,” Ben-Gvir ayaa sidaas ku yiri bayaan uu daabacay afhayeenkiisa, kadib markii Xamas ay ka digtay in tallaabadan ay tahay “khad cas”.

Booqashada Ben-Gvir ayaa timid maalmo kadib markii uu la wareegay xilka wasiirka amniga qaranka, xilkaas oo awood u siinaya maamulka booliska.

Al-Aqsa waa meesha saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, sidoo kalena Yuhuuda ayaa u arka goobta ugu barakeysan diintooda, kuwaas oo ugu yeera Temple Mount.

” Temple Mount waa meesha ugu muhiimsan dadka Israa’iil, waxaana ilaalinaynaa xorriyadda dhaq-dhaqaaqa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, laakiin Yuhuudda waxa ay sidoo kale fuuli doonaan buurta, islamarkaana kuwa hanjabaadda sameynaya waa in lagula macaamilaa – gacan bir ah,” ayuu yiri.

Dhismahan oo ku yaala bariga Qudus ee ay Israa’iil haysato, ayaa waxaa maamula Golaha Arrimaha Islaamka ee Waqf, iyadoo ciidamada Israa’iil ay halkaas ka howlgalaan islamarkaana maamulaan gelitaanka.

Ben-Gvir ayaa u ololeeya in dib u habayn lagu sameeyo maamulka goobta si loogu ogolaado Yuhuudda inay ku tukadaan, tallaabadaas oo ay ka soo horjeesteen mas’uuliyiinta wadaaddada Yahuudda.

Ilaalada Waqf ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Ben-Gvir ay la socdeen cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka Israa’iil, iyadoo diyaarad aan duuliye lahayn ay dul heehaabaysay Al-Aqsa.

Kadib markii uu ka tagay goobta subaxnimadii Talaadada, waxaa yimid booqdayaasha, xaaladduna waa ay deganeyd.

Inkasta oo Ben-Gvir uu marar badan booqday Al-Aqda tan iyo markii uu soo galay baarlamaanka April 2021, haddana inuu tago isaga oo wasiir ah ayaa leh miisaan aad u culus.

Booqasho muran dhalisay oo sanaddii 2000 uu Al-Aqsa ku tegay hoggaamiyihii mucaaradka ee xilligaas Ariel Sharon ayaa noqotay mid ka mid ah waxyaabihii ugu weynaa ee kiciyay kacdoonkii labaad ee Intifada oo socday ilaa 2005.

– ‘halis dhab ah’ –

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa cambaareysay booqashada Ben-Gvir oo ay ku tilmaantay “daandaansi aan horay loo arag iyo halis dhab ah.”

Basem Naciim, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamas, ayaa toddobaadkii hore ka digay in tallaabadan oo kale ay noqon doonto “khad cas oo weyn, ayna horseedi doonto xiisad”.

Kadib booqashadii Ben-Gvir, afhayeenka Xamas Hazem Qassem ayaa ku tilmaamay “dambi” wuxuuna wacad ku maray in goobtan “ay ahaan doonto Falastiin, Carab iyo Islaam”.

Ayada oo sanado loo arkayay in uu yahay shaqsi cirif ah, Ben-Gavir oo ah hogaamiyaha Jewish Power ayaa siyaasadda soo galay isaga oo taageero ka helaya Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Waxa uu u ololeeyaa in Carabta Israa’iil loo arko in aanay daacad u ahayn dalka oo la eryo, islamarkaana Israa’iil ay goosato Daanta-Galbeed.

Ilaa dhawr sano kahor, waxaa qolka uu degan yahay ku dheganaa sawirka Baruch Goldstein, oo 1994-kii xasuuqay 29 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku cibaadaysanayey Masjid ku yaalla Hebron.

Waxa uu xilka wasiirnimo qabtay 29-kii December, isaga oo ka mid ah xukuumadda ugu midig-fogsan taariikhda Israa’iil oo uu hoggaaminayo Netanyahu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here