Shacab Caraysan Oo Weeraray Saldhig Ay Laascaanood Ku Lahaayeen Ciidanka Somaliland

0
175

Shacab Caraysan Oo Weeraray Saldhig Ay Laascaanood Ku Lahaayeen Ciidanka Somaliland

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaaday saldhigyo ay Ciidanka Somaliland ku leeyihiin Xaafado ka mid ah Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen rabshado xooggan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Xalay Saqdiin dhexe weeerar lagu ekeeyay Saldhigga,waxaana si gaar ah loo beegsaday Ciidamo Boolis ah iyo kuwo Millateri ah, waxaana weerarkaasi ku qaaday dad shacab ah oo caraysan, kana mid ah dadkii maalmahaan banaanbaxyada waday.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda lagu magacaabo Durdur, waxaana la sheegay in khasaare uu soo gaaray dadkii caraysnaa ee weeraray Ciidanka Somaliland, qaar ka mid ah dadka dhaawacmaya yaan Cusbtiaalada la dhigay sida wararku tilmaamayaan.

Magaaalada Laascaanood ayaa waxaa wali ka taagan Xiisadda kulul ee u dhexeysa Ciidanka Somaliland iyo dadka shacabka ah ee caraysan.

Waxaana dadka Rayidka ah ee Magaaladaasi ay si weyn kaga caraysan yihin beegsi lagu hayo haldoorka Magaalada,taasi oo keentay in bulshadu ay kacdo, maaddaama dadkoodii wax galka ahaa dilal qorsheysan lagula kacay, waxaana maalmahaan socday banaaanbaxyo ka dhan ah Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here