Ugu yaraan 20 ruux oo la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay Rabshadaha ka socda Magaalada Laascaanood.

0
217

Ugu yaraan 20 ruux oo la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay Rabshadaha ka socda Magaalada Laascaanood.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho, dhaawac & midda hanti ee ka dhashay dibadbaxyada rabshadaha wata ee maalintii 9aad galay ee ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool una dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Shacabka Magaaladaas.

Saraakiil katirsan Shaqaalaha Caafimaadka ee gurmadka u sameeyay dadka ku dhaawacmay rasaasta ay fureen Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xaqiijiyay geerida ugu yaraan 20 ruux oo Shacab & Askar ah iyo dhaawaca in ka badan tiradaas.

Howlwadeennada Caafimaadka ayaa sheegay in Isbitaallada la dhigay Dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray oo qaar kamid ah ay u dhinteen dhiig-bax kaddib markii lagala daahay goobahaas si loo daweeyo.

Xisbiga Waddani ee Mucaaradka ku ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in mas’uuliyad darro ay tahay in Dadka Shacabka ah ee dibadbaxaya rasaas lagu beegsado halkii lagala hadli lahaa xalka waxa ay ka dibadbaxayaan.

Somaliland ayaa Isgaarsiinta & Internet-ka ka jartay Magaalada Laascaanood, tallaabadaas waxa ay sii cakirtay xaaladda Magaaladaas maadaama ay daahsoomeen xogaha laga heli jiray ee inta badan lasoo gelinayay Baraha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here