Talibaanta Pakistan Oo Ku Dhawaaqay Weeraro Ka Dhan Xukuumadda Pakistan

0
191

Talibaanta Pakistan Oo Ku Dhawaaqay Weeraro Ka Dhan Xukuumadda Pakistan

Garabka hubaysan ee Taliban ee ka dhisan dalka Pakistan ee loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa ku dhawaaqay inay ku amreen dagaalyahanadooda inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan, arrintaas oo soo afjaraysa xabbad-joojintii halka dhinac ahayd ee kala dhexeysay xukuukadda dalkaas.

Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegay in go’aankoodan inay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri ee ay dawladda Pakistan ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas.

“Haatan waxaa lama huraan ah inaad weeraro ka geysataan meel kasta oo suurogal ah” ayaa lagu yidhi go’aanka ka soo baxay kooxda Talibanta Pakistan, iyada oo bayaankan u marisay dagaalyahanadeeda dhinaca warbaahinta, nuqul ka mida qoraalkaas waxaa heshay VOA.

Kooxdan ayaa ku jirta liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay iyo tan Maraykanaba, waxayna gacansaar dhow la leeyihiin kooxda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here