Kulankii Wada-Jirka Ahaa Ee Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Baaqday Kadib Weerarkii Hoteel Villa Rosa

0
206

Kulankii Wada-Jirka Ahaa Ee Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Baaqday Kadib Weerarkii Hoteel Villa Rosa

Waxaa Maanta baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo loo madalsanaa maanta.

Fariin lo dirtay Xildhibaanada ayaa loogu sheegay in gabi ahaanba uu baaqday kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole, waxaana fariinta la raaciyay in dib laga soo sheegi doono xiliga la qabanayo fadhiga xiga.

“Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka.

Baaqashada kulanka ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay kadib weerarkii dagaalamaayasha AL-Shabaab ay ku qaadeen hotel u dhaw maadxtooyada kaasi oo ilaa iyo haatan aan la shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here