Shil Khasaaro Dhaliyey Oo Saaka Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Hargeysa

0
221

Shil Khasaaro Dhaliyey Oo Saaka Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Hargeysa

Shil gaari ayaa saakay ka dhacay xaafada Sabaxareed ee degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kadib markii gaari nooca dheynada uu ku fariis goostay guri ku yaallay wadada laamiga ah ee gaariga marayey.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo kala ahaa darawalkii waday gaariga iyo kirashboygii la socday ayaa ku dhaawacmay shilkii ka dhacay Hargeysa, waxaana dhaawacyadooda la gaarsiiyey Isbitaalka Magaalada, iyada oo dhaawaca darawalka uu yahay mid culus.

Sidoo kale Ciidanka dab-demiska Hargeysa ayaa gurmad u sameeyay 8 qof oo ku xannibmay guriga uu gaariga ku fariis goostay, ma jiro khasaaro gaaray, in kastoo qeyb kamid ah uu guriga burburay, sida lagu arkayey Sawirro laga soo qaaday goobta.

Gaariga galay guriga ayaa waxaa la tilmaamay inuu xawaare sare ku socday, isla markaana darawalkii waday gaariga uu lugta la waayey Bareega, sidaasina uu ugu fariis goostay guri ku yaalla xafada Sabaxareed ee Magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa digniin u dirtay darawalada gaadiidka, iyagoona ku amray inay gaadiid si taxadar leh u wadaan, Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay shilalka gaari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here