MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud & Dhiggiisa Mareykanka Joe Biden oo kulmay.

0
302

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud & Dhiggiisa Mareykanka Joe Biden oo kulmay.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu martiqaaday kulan uu casumaaddiisu lahaa dhiggiisa Mareykanka Joe Biden oo ay ku kala xog qaateen labada madaxweyne ee Soomaaliya & Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Mareykanka Joe Biden uga mahadceliyay kaalinta uu ka qaadanayo “La dagaalanka Al-Shabaab” waxa uu sheegay in Dowladdiisa ay xoogga saareyso howlgalladaas.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay meertada 77aad ee Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa lagu casuumay martiqaad uu maamuuskiisu leeyahay Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden

“Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden. Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka” ayaa lagu yiri qoraal Villa Somalia soosaartay.

Qoraalka ayaa lasii raaciyay: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa May 2022 amar ku bixiyay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Ciidamada Ameerikaanka ah ee Janaayo 2021 ku baxay Amar kasoo baxay Madaxweynihii 45aad ee Dalkaas Donald Trump si ay uga qaybgalaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here