DEG DEG: Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
290

DEG DEG: Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Jugta qarax xoogan ayaa dhowr iyo toban daqiiqo kahor laga maqlay qeybo badan oo kamid degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan ee ee Nacnaca ee ku taalla degmada Wadajir.

Warar hordhac oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa dhacay uu ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku dhex qarxiyey dhallinyaron farabadan oo dooneysay inay qortaan Askarnimo.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa kusoo qul-qulaya goobta uu qaraxu ka dhacay, sidoo kalena waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo ay furayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay afaafka hore Xerada Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan, in kastoo la sheegayo in qaraxa waxyeelo kasoo gaartay dhalinyaradii askarnimada qoraneysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here