Muxuu yahay markabka dagaal ee uu Turkiga leeyahay ee ku xirtay dekedda Israa’iil?

0
254

Muxuu yahay markabka dagaal ee uu Turkiga leeyahay ee ku xirtay dekedda Israa’iil?

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa markii ugu horreysay muddo toban sano ka badan ku soo xirtay deked ku taalla Israa’iil, iyadoo tani ay calaamad wamaagsan u tahay xiriirkii sii xumaanayay ee labada dhinac oo dhawaanahan dib loo haajiyay.

Sarkaal u hadlay Turkiga ayaa sheegay in markabkan uu booqanayay Haifa, halkaasna uu joogi doono ilaa Talaadada, taasoo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada NATO ee badda Mediterranean-ka.

Xiriirka labada dhinac ayaa burburay sanadkii 2010 markii ciidamada Israel ay weerareen markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaasoo qeyb ka ahaa kolonyo gargaar oo Falastiiniyiinta agab u siday.

Markab ayaa isku dayay inuu jebiyo go’doominta Israa’iil ay ku heyso marinka Gaza.

 

Isha: Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here